4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Raysal Wasaare Rooble : Mowqifkayga waa in meesha laga saaro wax kaste oo caqabad ku ah caddaalada kiiska Ikraan Tahliil
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, xilli uu dalku ku jiro marxalad doorasho.

Raysal wasaaraha oo ka hadlayay kiiska Ikraan Tahliil, wuxuu sheegay Mawqifkiisa inuu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikraan iyo qoyskeeda meesha laga saaro.

“Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda'iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu in Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha caalamka ay qaateen mowqifka lamid ah midkiisa oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran.

Raysal wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online