4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Ciidamada Danab oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe


Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab ay saacadahii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano ka tirsan goboladaasi kadib howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay ka sameeyeen deegaanadaasi

Deegaanada ay sheegeen sarakiisha hoggaamineysa howlgalka iney la wareegeen waxaa ka mid ah Gamboole, Masiireey, Ceeldheer, Boqol Gaani, Jameeclo Jiliyaale oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe Iyo deegaanka Fiidoow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Danab ayaa intaasi ku daray in howlgaladooda ay ku burburiyeen Maxkamad iyo Isbitaalo ay shabaab ku lahayeen deegaanada ay kala wareeeen.

Deegaanada qaar oo ay sheegeen sarakiisha Danab iney Al-shabaab kala wareegeen waxaa ku jira deegaano Shabaab ay ku lahayeen awood ciidan sida deegaanada Gamboole iyo Fiidoow oo ka kala tirsan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Gabagabadii gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka jiray howlgalo ay ciidamada dowlada kula dagaalamayeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin labadaasi gobol.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]