4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada Midoobay
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, madaxweyne Farmaajo iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in ku xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ay ku bogaadisay dib u dhiska ciidamada amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Imaanshaha wafdigaan culus ayaa kusoo beegmay xilli khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble, khilaafkaas oo u muuqda mid aan weli xal loo helin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online