4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ka doonaya warbixin ku saabsan dilalka Laascaanood
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani, Maxammed Faarax Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisu uu wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ka doonayo warbixin dhamaystiran oo ku sababsan sababta ka danbaysta dilalka ka dhacay magaalada Laascaanood.

Xogeeyaha ayaa taxay masuuliyiinta dilalka loogu gaystay magaalada Laascaanood muddo aan sanad ka badnayn, wuxuuna wasaarada amniga ka dalbaday warbixin dhamaystiran oo ku saabsan sababta ka danbaysa dilalka soo noq noqday ee ka dhacaya gobolka Sool.

"Waxaa in mudo ah aynu arkaynay in gobolka Sool degmadiisa Laascaanood ay ka dhacayeen dilal qorshaysan, hore waxa loo dilay guddoomiyihii Koomiishanka doorashooyinka qaranka ee gobolka, guddoomiyihii maxkamada ee gobolka, goddoomiyihii sirdoonka qaranka ee gobolka iyo xubin katirsan garsoorka" ayuu yidhi xogeeyuhu.

"Waxaynu la soconaa miisaaniyadeena in lacagta u badani ku baxdo ciidamada, waxaynu la socona in jiida hore ee Laascaanood ay joogaan ciidankeena ugu badan, waxa naxdin inagu ah ugaadhsiga haldoorkeena gobolka Sool, wasaarada arrinaha gudaha waxaanu ka rabnaa warbixin dhamaystiran sababka keentay dilalkan" ayuu hadalkiisa ku daray xogeeyuhu.

Dalabka xisbiga Waddani ayaa imanaya kadib markii habeenkii xalay dablay aan haybtooda la garanaynin, ay diltoogasho magaalada Laascaanood ugu gaysteen, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Qartoofe), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga Waddani ee gobolka Sool iyo xubin katirsan golaha deegaanka Laascaanood.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]