4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Natiijada imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland oo lagu dhawaaqay
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland guud ahaan isku darka dugsiyada sare iyo hoose dhexe, waxa u fadhiistay, 32,757 arday, waxa gudbay  31,645 arday, halka ay dhaceen 1,112 arday.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanadka Somaliland Da'uud Axmed Faarax, ayaa warbaahinta u akhriyay tirada natiijada imtaxaanadka dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare.

"Dugsiyada hoose dhexe waxa u fadhiistay 21,168 arday, tirada gudubtay waa 20,009 arday, tirada dhacday waa 850 arday, oo macnaheedu yahay 95% way gudbeen 4% way dhaceen".

"Dugsiga sare tirada guud ee imtaxaanka u fadhiisatay waxay ahayd 11,589, tirada dhacday waa 262, oo u dhiganta 2.28%, halkaa waxa la fahmi karaa in ardaydu dadaal muujiyeen waayo tirada dhacday aad bay u yartahay marka loo eego sanadihii ka horeeyay" ayuu yidhi guddoomiye Da'uud.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay tirada arday maadooyinka qaar laga baabiiyay, kadib markii lagu qabtay qish, sida waraaqo, mobilo iyo wixi lamid ah.

"379 arday ayaa laga baabiiyay maadooyin, maadada Carabiga 36 arday ayaa laga baabiiyay, 16 arday ayaa laga baabiiyay Bayoolajiga, Kimistariga 54 arday, Ingiriisi1 3 arday, Ingiriisi2 22 arday, Juquraafiga 48 arday, Taariikhda 4 arday, Diinta 4 arday , Xisaab1 20 arday, Xisaab2 110 arday, Fiisigis 13 arday, Soomaali 49 arday" ayuu yidhi guddoomiye Daa'uud.

Tirada ardayda ee aan gudbin ayaa sanadkan aad uga yar sanadihii hore, waxaana muuqata in ardaydu dadaaleen sida uu sheegay guddoomiye Daa'uud.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]