4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 12, 2021
Kulamadii lagu dhex dhexaadinaayay Farmaajo iyo Rooble oo Natiijo la'aan kusoo dhamaaday
 

Axad, September, 12, 2021 (HOL) - Shirkii lagu dhexdhexaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa saacado badan kadib Xalay waqti dambe kusoo idlaaday natiijo la'aan.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa la sheegay iney isku mari waayeen qodobada kala ahaa in kiiska Ikraan Tahliil baaritaan dhab ah lagu sameeyo loona madax banaaneeyo hay'addaha cadaalada iyo arrinta NISA oo mid walba uu doonayay iney hirgasho magacabistii uu sameeyay.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in markii dambe Farmaajo uu ka dalbaday madaxdii dhexdhexaadineysay in isaga iyo Rooble kaliya isu dhaafaan, walow kulankoodii gaarka ahaana saacado kadib uu isna kusoo dhamaaday natiijo la'aan.

Ismari waaga labada masuul ayaa loo sababeeyay in mid walba uu mowqifkiisa ku adkeystay, taasoo keentay in kulamadii lagu dhex dhexaadinaayay ay noqdaan kuwa aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee Farmaajo iyo Rooble oo la xariira kulamada la sheegay iney fashilka kusoo dhamadeen ee lagu doonaayay in lagu dhameeyo khilaafka daba dheeraaday ee u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareysa dalka oo ka bilaawday kiiska Ikraan Tahliil ee xilka qaadista loogu sameeyay taliyahii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]