4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Kulanka albaabada u xiran yahay oo Muqdisho uga socda madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare rooble
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Qoor-qoor iyo Cabdicasiis lafta-gareen ayaa ku guulaystay in ay wadahadal iskugu keenaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisulwasaare Rooble oo uu ka dhex taagan yahay khilaaf ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in muddo labo saacaddood uu kulan albaabada u xiran u socdo madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo ay wehliyaan labada madaxweyne ee Galmudug iyo K/Galbeed.

Wada hadalada ayaa diiradda lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay go’aanada kasoo kala baxay labada masuul ee dalka ugu sarreeya, go'aanadaas oo sababi kara  in dalku galo qalaalase.

Rajo wanaagsan ayaa laga qabaa in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu ka heshiiyaan khilaafkooda sida ay tilmaamayaan warar horudhac ah oo laga helayo kulankooda, balse lama saadaali karo waxa ay ku heshiiyaan.

Illaa iyo hadda waxaa lagu guulaystay in labada masuul is xakameeyaan oo ay joojiyaan warqadaha xafiisyadooda kasoo kala baxaya ee khilaafka taagan sii hurinaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online