4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 11, 2021
Qoyska aqoon-yahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo Kenya ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo afduubka Cabdiwahaab
 

Sabti, September, 11, 2021 (HOL) - Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ka ah Kenya, kana faallooda arrimaha siyaasadda ee Bariga/Geeska Afrika ayaa laga afduubay bartamaha Nairobi, Kenya 8 -dii Sep 2021.

Qoyska Cabdiwahaab sheekh Cabdisamad ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in jawaab laga bixiyo arrintan, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la afduubay.

Wararku waxay tilmaamayaan in Cabdiwahaab la sheegay in afar nin oo aan la garanayn ay af-duubteen agagaarka suuqa magaalada isagoo ku guda jira hawlihiisa ganacsi.

"Waxaan tagnay saldhigga dhexe ee booliiska shalay, waxaan tagnay goobta laga qaaday, ma hayno wax war ah oo ku saabsan halka la geeyay," ayay qoyska u sheegeen warbaahinta.

Cabdiwahaab wuxuu ahaa agaasimaha Fulinta ee Machadka Daraasaadka Istaraatijiyadda Geeska Afrika.

Bishii May 23- ayay ahayd markii Bashiir Maxamed Maxamuud oo ah ganacsade Soomaali-Mareykan ah la helay meydkiisa toddobaad ka dib markii la waayay oo la afduubtay.

Illaa iyo hadda dowladda Kenya ma aysan sheegin sababta loo dilay ganacsadahaas Soomaaliyeed, inkastoo hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen ciidamada sirdoonka Kenya in ay falkaas ka dambeeyeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online