4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo amar culus kusoo rogay wasiirka warfaafinta Soomaaliya
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, inuu si cad ugu xad gudbay nidaamka dowliga ah islamarkaana uu sifo sharci darro ah ku bixiyay qeybo kamid ah dhulka tiyaatarka qaranka.

War-saxaafadeed kasoo baxay hanti dhowrka ayaa lagu faray wasiirka warfaafinta inuu si degdeg ah usoo saaro qoraal rasmi ah oo lagu joojinayo heshiiskii ay wasaaraddiisu la gashay shirkad gaar ah oo lagu wareejiyay dhulka tiyaatarka.

Hanti dhowrka guud wuxuu u digniin u diray cid kasta oo katirsan hay’addaha dowladda, oo isku dayda in ay heshiis baalmarsan dastuurka iyo nidaamka dowliga ah ku maamusha hantida qaranka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online