4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Puntland oo shaacisay in ay ciidamadeeda ku biirayaan dagaalka Alshabab looga xorraynayo koonfurta Mudug
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay ka qeyb galayso dagaalka ururka Alshabab looga xorraynayo deegaannada kuyaalla koonfurta gobolka Mudug, iyadoo halkaas ay gaareen cutubyo katirsan ciiddamadeeda Puntland iyo saraakiil ciiddan.

Ciiddamada Puntland ayaa gaaray deegaanka Wisil oo qiyaastii 161 KM Koonfur Bari uga beegan magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdidladiif Muuse Sanyare oo la hadlayay BBC Somali, ayaa sheegay ciiddamadan in ay yihiin kuwa tababaran oo awood ciidan ku biirin doona ciidamada Galmudug ee ku jira furimaha dagaalka.

Guddoomiye Sanyare wuxuu sheegay ciidamadan iyo gaadiid dagaal oo dhawaan lagu wareejiyay Galmudug in ay qeyb ka yihiin heshiis Muqdisho ku dhexmaray madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

“Qorshaheenu wuxuu yahay in ciidamada Puntland ay si toos ah dagaalka u galaan, ayna la fal-galaan ciidamada Galmudug. Waxaan naga go’an in aan argigixisada meel walba oo ay joogaan ugu tagno,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Saraakiisha ciiddanka Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan Wisil ayaa soo dhoweeyay ciidamada Puntland iyo saraakiishooda, waxayna arrintaan kusoo aadaysaa xilli Alshabab ay dib ula wareegeen deegaannadii horay looga saaray ee Koonfurta Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online