4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Safiirka UK ee Soomaaliya: Bixitaanka ciidamada Amisom ee Soomaaliya way dhici kartaa in laga baqo wixii ka dhacay dalka Afghanistan
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo wareysi siinaysay warbaahinta dibedda ayaa sheegtay inuusan jiridoonin qorshe degdeg ah oo loogu talagalay in Amisom uga baxdo Soomaaliya.

Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ka bixitaanka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ay dhici karto in laga baqo wixii ka dhacay dalka Afghanistan.

Kate Foster waxay sheegtay in xaaladda Afghanistan ay tahay wax ay dadka Soomaaliyeed ka hadlayeen toddobaadkan islamarkaana ay jiraan casharro laga bartay xaaladduna ay la mid tahay tan Soomaaliya.

“Waxaan dadka u xaqiijinayaa inaysan jirin qorshe degdeg ah oo loogu talagalay Amisom, laakiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inuu si nidaamsan u hormariyaa hoggaaminta amniga, iyo wareejinta ciidamada, ”ayay tiri Kate.

waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay ku jiraan wada -hadallo lagu hirgelinayo qorshaha Amisom ee wareejinta amniga Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyn ka mid noqon doona la -talinta iyo tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Waxay ugu dambayn sheegtay in ay walaac ka qabto in Alshabab ay saameyn ku yeeshaan doorashada Soomaaliya, gaar ahaan hannaanka lagusoo xulayo ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online