4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Cabdimaalik Muuse Coldoon hooyadii oo sheegtay in ay la'adahay wiilkeedii
 

Arbaco, September, 1, 2021 (HOL) - Faadumo Rooble Xuseen, oo ah hooyada dhashay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargaysa, ayaa sheegtay in ay la'adahay wiilkeedi, oo sida ay sheegtay xalay xili danbe laga soo qaaday xabsiga Madheera.

"Inankayga xalay ayaa laga soo qaaday Madheera, ilaa saakana waanu wareegaynay, meel alaale iyo meel uu joogo iyo meel uu ku suganyahay toona ma hayno, lanoomana soo sheegin oo lama odhan maxkamad baanu keenaynaa, sidaasina caddaalad maaha" ayay tidhi hooyo Faadumo.

Faadumo ayaa sheegtay in ay meelkasta oo ay islahayd waala gaynayaa, ay kasoo raadisay sida maxkamadaha, isbitaalada iyo xarumaha ciidanka, ee danbi baadhista, hase yeeshee anay wali ka warkahayn meesha lagu hayo.

"Maxkamadii lama keenin C.I.D lama keenin dhakhtar lama keenin oo wuu liitay, meel ala meel aanu u raacno ayaanu lanahay wakhtigaasanu taaganahay, madaxweyne  waxan ahay islaan inankeedi Burco laga soo afduubtay oo la yidhi ma arki kartid" ayay tidhi Hooyo Faadumo.

Hadaba xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu la hadlay uu u sheegay in Coldoon saaka la keenay mid kamid ah isbitalada Hargaysa oo lagaga daweeyay lug uu ka cabanayay isla markaana dib loogu celiyay xabsiga Madheera.



Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]