4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa maamulka Koofur Galbeed oo iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin Xerada loo yaqaano Shiinaha.

Dadka deegaanka Buurhakaba ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu ka dhashay dagaalka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac oo aanan la xaqiijin karin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay.

Dagaalka kadib waxaa la sheegay in ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sameeyeen howlgalo ka dhan ah Al-Shaabab, inkastoo aysan sheegin saraakiisha ciidamada waxyaabaha ay kuso qabqabteen howlgalkaasi dagaalka kadib ay sameeyeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]