4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay haweeney ay sheegeen iney ka tirsaneyd Ciidanka Hirshabeelle
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Shaw ee katirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maxkamada Al-shabaab ay xukun dil ah ku fulisay haweeney ay sheegeen iney ka tirsaneyd ciidanka maamul goboleedka Hirshabeelle.

Haweeneyda xukunka toogashada ah lagu fuliyay ayaa magaceeda lagu sheegay Anfac Xuseen, taasoo ay Maxkamada Shabaab ay sheegtay iney ciidankooda gacanta ku soo dhigeen haweeneydaas.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay goobta fagaaraha ah ee lagu dilay Anfac Xuseen si ay u daawadaan xukunka dilka ah ee lagu fulinaayay haweeneydaasi.

Ma ahan markii ugu horeeysay ay Maxkamada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ay xukuno dil ah ku fuliso dad ay sheegaan iney ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo Jawaasiis la shaqeysa reer Galbeedka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]