4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 1 , 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlay guud ahaan arrimaha Doorashooyinka Dalka
 

Arbaco, September 1, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadlay hanaanka loo soo xulayo liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaaka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somaliland.

"liiska Musharaxiinta Xildhibaanada gobolada Waqooyi waxaa soo xulaya Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi sida habraaci hore ku cad labada masuul si siman ayaan ula shaqeyn doono, aniga ayaana ka hubinaya liiska Musharaxiinta ay soo saarayaan" ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Soomaliya ayaa sheegay inuu si cadaalad ku dheehan tahay u koontarooli doono howlaha doorashooyinka gobolada Waqooyi, islamarkaana ka dalbaday Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ka shaqeynta Cadaalada.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay in qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee horay loogu heshiiyay iney noqoto 30% iney tahay mid lama taabtaan ah, isagoona si gaar ah fulinta masuuliyadaas dusha kaga saaray guddiyada doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka, islamarkaa sheegay in xafiiskiisa ay muhiimad gaar ah u leedahay qoodada haweenka inay tahay lama taabtaan.

Waxaa sidoo kale Raysal wasaaraha uu sheegay in cabasho ka timid xarunta dambi baarista ee CID ee ah in Musharaxiinta qaar walaac ka muujiyeen in isbaaro ahaan loogu adeegsado uu sheegay ineysan dhici doonin in shaqsi gaar ah lagu isbaareysto, balse ay daruuri tahay in qof waliba uu soo maro xarunta CID si loo hubiyo waxa uu yahay maadama dalka uu marayo meel adag.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadlay guud ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka dalka iyo waxyaabaha caqabad ku noqon kara.

Hoos ka Daawo Muqaalka oo dhameystiran:-



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]