4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 9 , 2021
Faysal Cali Waraabe "Somaliland qofkii 1960 daganaa uun baa muwaadin ah"
 

Sabti, October, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo kahor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin.

Faysal ayaa sheegay in sida Dastuurka Somaliland sheegayo kaliya cidii Somaliland daganayd xornimadii kahor ay yihiin muwaadiniin rasmi ah.

"Dagaal baa laynagu soo qaaday inagu lixdankii dalbaynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan lasoo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Walawayntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ay horay ugu mashquulsanaayeen dugsiga Abaarso hadana ay ku mashquuleen tarxiilka xukuumada Somaliland ay ka wado magaalada Laascaanood, isla markaana, ay ka dhigteen barnaamij ay doorashada ku galaan.

"Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan 'dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali', wuxu ku leeyayay 'Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan', waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah  habro wadaag yihiin" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa hore u dhaliilay sida  xukuumada Somaliland u maamushay, tarxiilka ay magaalada Laascaanood kaga saarayso dadka aan Somaliland u dhalan.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]