4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Qoysas ka mid ah dadkii laga soo masaafuriyay Laascaanood oo maanta gaaray magaalada Baledweyne


Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaray ku dhawaad 100 qoys oo ka mid ah dadkii Soomaaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoysaskan maanta gaaray magaalada Baledweyne waxaa soo dhaweyn balaaran u sameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Baledweyne iyo maamulka gobolka iyo kan degmada, kuwaas oo biyo iyo raashiin kala hortagay dadkan laga soo masafuriyay Laascaanood.

Mid ka mid ah dadka shacabka ah ee laga soo masaafuriyay Laascaanood ayaa sheegay in loola soo dhaqmay si aanan bini aadanimada ka mid aheyn.

"Laascaanood waxaan tagay 1996-dii aniga iyo xaaskeyga kaliya hadana waxaan wataa 24 caruur ah oo isugu jira waxan dhalay iyo waxey sii dhaleen, mana nalagu qadarin deegaanka ciyaalka inoogu dhashay dalalka islameed ayaaba baasabooro iyo soo dhaweyn u sameeya dadka magangalyada u tagay aniga hada hantideeni deynta dadka ku laheyn iyo tan nalagu lahaa midna fursad naloma siin inaan iska bixino ama an helno oo qori caaradiisa ayaa nalagu soo saaray gaariga" ayuu yiri mid ka mid ahaa dadka Laascaanood laga soo masaafuriyay.

Bilowgii isbuucaan ayay aheyd markii Soomaaliland ay soo raafeen boqolaal qoys oo deegaan ahaan kasoo jeeday Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Baay iyo Bakool.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]