4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Barkhad Jaamac Batuun "Rooble waa raysal wasaare reereed"
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku eedeeyay in uu ka dhex munaafaqadaynayo bulshada Somaliland.

Batuun ayaa raysal wasaare Rooble ku tilmaamay raysal wasaare qabiil, isagoo ku eedeeyay in dhiiga dadka reer Muqdisho aanu dhibayn.

"Waxan arkayay Rooble oo runtii erayo naxli iyo nacaybshiyo ku abuuraya umada Soomaalida ku hadlaya, umadu waxay u haysataa in uu raysal wasaare Soomaaliyeed yahaye, horta, waa raysal waasaare reereed, hadii dhiiga shacabka Muqdisho jooga anay waxba la ahayn anaga dhiiga shacabka Somaliland joogaa dheeman nagala qaalisa" ayuu yidhi Batuun.

Waxa kale, oo uu raysal wasaare Rooble ku eedeeyay in uu naxli iyo nacayb ka dhex abuurayo umada Somaliland, taa badalkeedana looga baahanyahay in uu wax ka qabto qaraxyada Muqdisho hadii uu cid wax u qabanayo.

"Markay timaado ilaalinta nabadgalyada, xuquuqaha naf iyo maalba leh, dhiiga iyo muwaadin nimada Somaliland leh, waa mid aanu kala simanahay xukuumada, waa mid aanu ku taageersanahay sugida nabad galyada, anaga oo mucaarad ah oo kala aragti duwan, waxaan leeyahay Rooble mixnada iyo munaafaqada aad reer Somaliland ka dhex abuurayso, hadii aad dadka wax u qabanayso qaraxyada soo qixiyay ayaad wax ka qaban lahayd" ayuu yidhi Batuun.

Afhayeenka ayaa sheegay in inkasta oo xisbigiisu xukuumada ku garabtaaganyahay sugida amniga, hadana ka xisbi ahaan aanay la dhacsanayn habka loo maamulay masaafurinta dadka aan reer Somaliland ahayn ee Sool laga saaray.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]