4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
40 jir kamid ahaa dadkii lagasoo barakaciyay Laascaanood oo Gaalkacyo ugu geeriyooday Covid-19
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - 40 sano jir kamid ah dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa magaalada Gaalkacyo ugu geeriyooday safmarka Covid19, sida ay HOL u sheegeen ilo katirsan saraakiisha caafimaadka Puntland.

Bukaanka ayaa la dhigay isbitaalka guud ee Gaalkacyo, iyadoo xaaladdiisa caafimaad aad looga deyrinayo, waxaana la xaqiijiyay inuu ugu dambayn shalay uu u geeriyooday Covid-19.

Geeridiisa ayaa keentay in saraakiisha caafimaad ay baaritaan ku sameeyaan dadkii dib u dajinta loogu sameeyay magaalada Garowe, si loo xaqiijiyo in ay ka bed qabaan cudurka.

Inkastoo aan natiijada baaritaanka la shaacin, haddana tirada dadka laga helay Covid-19 ee Puntland ayaa gaartay 48 qof, kadib baaritaan la sameeyay 24-saac ee lasoo dhaafay.

Lama hubo dadkaasi in ay qeyb ka yihiin dadka lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee baaritaan lagu sameeyay.
    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online