4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Al-shabaab oo laba dhalinyaro ah ku toogatay fagaare ku yaala Jubbada Hoose
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa markale toogasho ku fulisay laba ruux oo rag ah oo ay ku eedeeyeen inuu mid kamid ah ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, halka midka kalana ay sheegeen inuu faraxumeyn ku sameeyay wiil yar oo 5 sano jir ahaa.

Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana usoo daawasho tagay dadweynaha ku dhaqan deegaanaasi.

Labada ruux ee toogashada lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdullaahi Maxamed Faarax oo 24 sano jir ahaa kana tirsana ciidanka Jubbaland iyo Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa laguna eedeeyay inuu faraxumeeyay wiil yar oo 5 sano jir ahaa.

Toogashada labadaan ruux ayaa kusoo beegmeysa xili Shabaab maalin ka hor fagaare ku yaala degmada Jamaame ay ku toogteen laba nin oo ay ku kala eedeeyeen inuu mid ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya midka kalana uu ku Shaqeeysan jiray Sixirka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]