4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Somaliland oo ganacsatada reer Koonfur-Galbeed ka masaafurinaysa Ceerigaabo
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa amar ku bixisay in mudo 15 cisho ah gobolka Sanaag lagaga masaafuriyo ganacsatada kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed  Soomaaliya ee magaalada Ceerigaabo ka ganacsan jiray.

Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag Siciid Cige Maxammed, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay amar ku bixisay, in gobolka laga masaafuriyo ganacsatada reer Koonfur Galbeed oo magaalada ganacsiyo ku laha.

"Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland" ayuu yidhi taliye Siciid.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hore u diwaangaliyeen magacyada shakhsiyaadka la masaafurinayo, isla markaana, 21 bishan inta ka hadhay ay gobolka ka baxaan.

"Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacadaa loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay" ayuu yidhi taliye Siciid.

Qaybo kamid ah bulshada iyo ganacsatada reer Somaliland ee ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa dhawaan mudaharaad ay ka dhigeen magaalada Ceerigaabo xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay gobolka ka saarto ganacsatada reer Koonfur Galbeed.

Amarkan ayaa imanaya xili ay xukuumada Somaliland gobolka Sool ka wado howlgal lagu masaafurinayo dadka reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku dhaqnaa kadib, markii lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin amnidarada iyo dilalka ka dhaca Laascaanood.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]