4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya afar ruux oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo maanta afar ruux ku dilay Isgoyska Xaawo-taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in raga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bastoolado ay afarta ruux ku dileen goob maqaaxi ah oo ay fadhiyeen.

Afarta ruux ee la dilay laba ka mid ah waxay ahayeen dad shacab ah halka labada kalana la sheegay iney ahaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la sheegay ineysan hubeysnen xiliga la dilayay, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay.

laba ka mid ah dadka lagu dilay Isgoyska Xaawa-taako ee degmada Wadjir ayaa magacyadooda lagu sheegay Xasan Dacaar iyo Cali Dahab.

waxaa sidoo kale la sheegay in askari goobta ka agdhawaa rasaas uu furay inuu ku geeriyooday nin magaciisa lagu soo koobay Jeeri oo qudaar ku iibinaayay suuq weynaha madiina.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska dowladda Federaalka ayaa sida caadada aheyd gaaray goobta uu falka ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday Meydadka afarta ruux ee lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan sheegta masuuliyada dilalkaasi dagaalamayaasha Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]