4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Abiy Axmed oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Adis Ababa
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoo oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalay caleema saarka Raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo dib loo doortay dhawaan ayaa kulan gaar ah la qaatay raysal wasaare Abiy Axmed.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay iskaga xog wareysteen xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta la dagaalanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Abiy Axmed ah ayaa uga mahadceliyay madaxweyne Farmaajo sida uu uga soo qeybgalay xaflada caleema saarkiisa, islamarkaana sheegay inuu dowladda Soomaaliya ka taageeri doona dhinacyo badan.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula qaatay Ra'iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sadexdii sano ee la soo dhaafay waxaa uu saaxiib gaar ah la ahaa Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo mar booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana safarka madaxweynaha imaanaya xili isaga iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ka dhaxeeyo khilaaf aad u xoogan, waxaana  xusid mudan in raysal wasaare Rooble uu isna ku maqan yahay dalka Qatar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]