4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Haweenka Laascaanood "Umada ka timid koonfur hub qarsoon ayaa laga helay"
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah haween waynaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa soo dhaweeyay raafka ay xukuumada Somaliland ku masaafurinayso dadka reer koonfureedka ah ee ku dhaqnaa gobolka, waxayna ku eedeeyeen in bulshadaasi ka danbeeyeen dilalkii ka dhacay Laascaanood.

Haweenka oo iskugu yimid mid kamid ah hoteelada magaalada Laascaanood, ayaa muujiyay in ay xukuumada ku garab taaganyihiin howgalka lagu tarxiilayo dadka reer Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

"Waxaanu halkan u joognaa in aanu taageerno oo isku dhinac taagno xukuumadayadu talaabada ay qaaday, madaxweynaha qaranka, wasiirka amniga, badhasaabka, taliyaha qaybta iyo ciidamada amaanka ee jiidaha hore ku jira" haweenay kamid ah haweenka ayaa sida tidhi.

Haweenka ayaa si gaara bulshada reer Koonfur Galbeed ee gobolka ku dhaqnaa ugu eedeeyay amnidarada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhici jiray magaalada Laascaanood, iyagoo codsaday in dhulkooda si nabad ah loogu celiyo.

"Umada ka timid koonfur, ee walaalaheena waxa laga helay hub qarsoon, oo aynaan inagu ogayn, oo fara badan, hubkaa faraha badani waa kii lagu layn jiray rageena, yaynaan cabaninin, markii hore waxaynu lahayn amniga suga, amnigiina la sug, umadiina dhulkoodii ayaa lagu nabad celiyay, markaa, waxaanu leenahay dhulkiina ku nabad gala anana kaayaga" sidaa waxa tidhi gabadh kamid ah haweenka.

Waxay sheegeen in Somaliland iyo Soomaaliya kala laba dal yihiin isla markaana loobahanyahay in qolo waliba waddankeeda iyo maamulkeeda ku noqoto.

"Dadka Soomaaliya kasoo hadlaya waxaanu leenahay, Somaliland iyo Soomaaliya waa laba kala dal, madaxweyne la yidhaa Lafta-gareen ayay leeyihiin ha aadeen Lafta-gareen, anaga madaxweynahayagu waa Muuse Biixi Cabdi, xukuumadayadu waa Somaliland, ciidamadayada waanu ogolnahay" haweenay kamid ah haweenka ayaa sida tidhi.

Xukuumada Somaliland ayaa 2 bishan magaalada Laascaanood ka bilowday howlgal lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hada inta la habu la tarxiilay 700 oo qof oo iskugu jira, rag, haween iyo caruur. Dadkan ayaa dib u dejin ku meel gaadh ah loogu sameeyay deegaanada maamulka Puntland ee Soomaaliya.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]