4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Mark Zuckerberg oo lumiyey 6 Bilyan oo Dollar saacadaha uu hawada ka maqnaa Facebook
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Facebook, Instagram iyo adeegga farriimaha WhatsApp-ka ee sida weyn loo adeegsado ayaa dib hawada ugusoo laabtay xalay saqdii dhexe, ka dib muddo illaa lix saacadood ah oo ay dunida ka maqnaayeen.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter -ka fiidnimadii Isniinta, ayaa shirkadda Facebook waxay ku sheegtay in barnaamijyadeeda ay ku soo laabteen khadka tooska ah waxayna ka raalli -geliyeen isticmaaleyaasha cilladda saameeyay malaayiin qof oo adduunka oo dhan ah.

"Bulsha weynta dadka iyo ganacsiyada adduunka oo dhan ee nagu tiirsan, waan ka xunnahay," ayay tiri shirkadda Facebook. "Waxaan si aad ah uga shaqaynaynay soo celinta marin u helka barnaamijyadeenna iyo adeegyadeenna waana ku faraxsanahay inaan soo sheegno inay hadda internetka ku soo noqdeen." Ayay shirkaddu hadalkeeda sii raacisay.

Dhinaca kale, mulkilaha Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa hantidiisa shaqsiyadeed ay hoos u dhacday in ka badan 6 bilyan oo dollar saacado gudahood, isaga oo hoos uga dhacay liiska dadka ugu taajirsan adduunka.

Hoos u dhacaan dhaqaale ee ku yimid Mark Zuckerberg, ayaa loo aaneeynayaa saacaddaha ay hawada ka maqnaayeen shirkaddiisa Facebook iyo kuwa hoos yimaada ee Instgram iyo Whats App.

Sicirka saamiyada Zuckerberg ayaa gaaray illaa $ 121.6 bilyan, isaga oo ka hoos maray Bill Gates, oo saamiyadiisu ay dhan yihiin, $140 bilyan, wuxuuna kala baxay kaalinta 5-aad ee kala saraynta maalqabeennada adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online