4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo ka hadlay raafka Laascaanood
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in howgalka lagu masaafurinayo dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, uu yahay howlgal lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay jecelyihiin shacabka reer Soomaaliya, isla markaana, umada reer Somaliland tahay umad lagu dhex noolaan karo, sidasay tahayna howgalkan ay sababtay sugida amniga gobolka Sool.

"Waxaanu nahay umad uu dadku la noolaan karo, uu dhexgali karo, oo uu la ceeshi karo, inkastoonu kala tagnay lakiin anagu waanu jecelnahay shicibka reer Soomaaliya, dowlada uun baanu is haynaa, arrintan waxa keenay halkan dil badan ayaa ka dhacay, rag badan oo hal door ah ayaa lagu laayey oo ilaa 86 qof ah oo rag iyo dumarba leh" ayuu yidhi Taani.

"Anagoon cidna waxba yeelin oo dadka reer Baydhabo iyo dadka kale ee ajinabiga ahba xushamad iyo sharaf u hayna waxaanu go'aan ku gaadhnay in ay sinabada ku baxaan, anaga oo aan cidna waxba yeelin" ayuu Taani hadalkiisa ku daray.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee sanadihii lasoo dhaafay lala beegsanayay haldoorka gobolka Sool ay shabahayeen, dilalka ka dhaca koonfurta Soomaaliya, sida darteedna, ay go'aan sadeen in dadka aan reer Somaliland ahayni ay gobolka ka baxaan.

"Muddo tobaneeyo sanno ah magaalada Laascaanood waxa ka dhici jiray dilal qorshaysan, oo aan ka dhicin dalka intiisa kale, taas oo u egayd mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad qabto, anaga oo amniga u xilsaaran waxa aanu go'aan sanay in aanu gobolka ka suulino kansarkaa dadkii haldoor ka aha laynaya" ayuu yidhi Daba-gale.

"Hadii aanu amniga nahay waxaanu go'aansanay in wixii aan reer Somaliland ahayn, ay gobolka ka baxaan si aanu gunta u gaadhno, iyagoo nabad qabana ay dalalkoodii ku noqdaan" ayuu hadalkiisa ku daray Daba-gale.

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Maxammed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in waajibkoodu uu yahay in ay sugaan amniga gobolka, isla markaana, dadku si nabad ah ku ganacsan karaan, kuna noolaan karaan.

"Waajib kayagu waxa weeyaan in nabad lagu noolaado oo dilalkan la ogaado halka ay salka ku hayaan, ayuu waajib kayagu yahay, dadku in ay nabad ku seexdaan, baabuurtu nabad ku socoto, xoolohooda nabad ku iibsadaan weeyaan, in lasoo afjaro oo waxan la daba galo ayaanu iskugu nimid" ayuu yidhi Xiirane.

Waxa magaalada Laascaanood ka soconaya howlgal ay hogaaminayso xukuumada Somaliland, oo gobolka Sool lagaga tarxiilayo dadka aan reer Somaliland ahayn, ilaa iyo hada inta la hubo waxaa la mastaafuriyay 700 oo qof oo kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]