4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw u duulay dalka Qatar
 

Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw u duulay magaalada Doha ee dalka Qatar, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal wasaaaraha Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Afhayeenka Xukuumadda Raysal Wasaare Rooble Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa sheegay ujeedada booqashada Raysal wasaaraha iyo Wafdigiisa sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qadar.

"Ujeedada booqashada Ra’isul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Qadar. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani" ayuu yiri afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegay in dowlad Qadar ay saaxiib dhow la tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay hadda ka waddo gudaha Soomaaliya mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhameeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar oo hadda ay howsheedu socoto.

Safarka Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili saakay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u safray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo uu kaga qeybgalayo caleema saarka Raysal wasaaraha dalkaasi Itoobiya Abiy Axmed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]