4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 4 , 2021
Ololaha wacyigalinta joojinta gudniinka habalaha ee 'GACALO GABADHEYDAAY' oo Muqdisho lagu qabtay


Isniin, October, 4, 2021 (HOL) - Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladda federalka Soomaaliya, Xaniifa Xaabsade, ayaa magaalada Muqdisho ku daahfurtay olole loogu magac daray 'GACALO GABADHEYDAAY' oo ah wacyi galin loogu talo galay joojinta gudniinka gabdhaha.

Ololahan oo ay wado hay’adda Ifrah Foundation, ayaa ujeedada  laga leeyahay waxay tahay sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa gudniinka hablaha, waana barnaamij ay iska kaashanayaan wasaaradda haweenka federalka, UNFPA iyo Ifrah Foundation.

Wasiirka haweenka, Xaniifa Xaabsade, waxay sheegtay in uusan jirin wax qiil ah oo loo hayo gudniinka hablaha, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay dhaqan Soomaaliya meel kale uga yimid, loona baahan yahay in dadka laga wacyi galiyo sidii loo cirib tiri lahaa.

Ifraax Axmed, aas aasaha Ifrah foundation, waxay sheegtay, in ololaha 'GACALO GABADHEYDAAY' uu yahay fikir muddo lix sano ah ka dhex guuxayay, kadib markii ay dareentay culayska iyo xanuunka uu gudniinku hayo bulshada Soomaaliyeed iyo sida aysan dadku ugu wacyi gashanayn dhibaatadiisa.

"Muddo sanado ah ayay igu qaadatay sidii aan Soomaaliya uga hirgalin lahayn ololaha 'GACALO GABADHEYDAAY'. Waxaan maanta ku faraxsanahay, in ololahan uu noqonayo mid federalism ah" ayay tiri Ifrah oo wareysi siinaysay BBC Soomali.

Ifrax waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in muddadii ay wadeen wacyi galinta ay wax badan iska beddeleen gudniinka. Balse waxay tilmaamtay  in si dhow gudniinka loo ciribtiro karo, haddii bulshada si fiican loo wacyi galiyo, oo culimadu isla qaataan in gudniinku yahay dhaqan meel kale ka kaga yimid Soomaaliya.

"Haddii hooyo walba oo Soomaaliyeed ay nala qaadato fikirka ah, in gabadheeda ay ka badbaadiso dhibka ay soo martay iyada, Waxaan hubnaa 100% in gabadha dhalandoonta aysan marin dhibaatadaas. Midda hadda lix jirka ahna hooyadeed ka badbaadiso gudniinka," ayay tiri Ifrah oo hadalkeeda sii wadata.

Si kastaba ha ahaatee, daraasado la sameeyay ayaa sheegaya in, 98% hablaha Soomaaliyeed ay mareen nuuc kamid ah gudniinka. Welina caadada gudniinka waxay ka jirtaa 30 waddan oo ay Soomaali kamid tahay.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online