4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Burco: Ciidanka booliiska Somaliland oo qabtay maandooriye tirro badan

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland laantiisa gobolka Togdheer ayaa gacanta ku dhigay 10 kiilo oo xashiishad ah oo si qarsoodi ah Somaliland lagu soo galiyay.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Togdheer gaashaanle sarre Maxamed Faarax Nuur, ayaa sheegay in xashiishadani ay tahay tii ugu badnayd ee abid ciidanku gacanta ku dhigo, isagoo sheegay in lagu qabtay basaska yar yar ee loo yaqaano caasiga ah.

"Xashiishadu waxay  ahaan jirtay wax yar yar iyo kuwo yar yar oo cabaya uun baanu qaban jirnay, marka boorso yar ayay ku jirtaa oo way adagtahay in la qabto, lakinse tani waxa weeyi tii ugu horaysay ee ugu cuslayd, waa 10 kiilo, 10 kaa kiilo ciidanka booliiska ayaa qabtay, waxaana lagu qabtay basaskan caasiga ah" ayuu yidhi taliye Nuur.

Sannadihii ugu danbeeyay waxa xoogaystay maandooriyaha kala duwan ee Somaliland lagu soo galiyo sida qarsoodiga ah, isla markaana booliiska ayaa kula jira dagaalan, dagaalkaasi oo ciidanku  sii laban laabay sannadkan sida uu taliyaha booliisku hore  u sheegay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]