4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Agaasimahii Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya oo xilkii laga qaaday
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimahii hay'dda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyay inuu noqdo Agaasimaha Cusub ee hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Cabdiqaadir Cilmi Cali oo loo yaqaano Cabdul.

"Gollaha Wasiiradda XFS ayaa ansixyay in  C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen in Eng Cabdulkadir Aaden Maxamuud inuu noqdo guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xilka qaadista Agaasimahii hore ee hay'adda Socdaalka Maxamed Aaden Koofi, inkastoo wararka hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in Koofi loo magacaabi rabo Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]