4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo ka hor yimid qodob kamid ah habraaca doorashada xildhibaanada Somaliland
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa ka horyimid qodob kamid ah habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaannada Somaliland.

Qodobka ay diideen, ayaa ah, in guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ay go'aan ka gaarayaan khilaafaadka doorashada haddii ergooyinka beeluhu xallin waayaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in qodobkaas uu si toos ah uga hor imaanayo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo sheegay in aysan jirin cid kale oo awood sharci u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha doorashada.

Guddigu wuxuu ugu baaqay guddiyada kale ee doorashooyinka in ay dhowraan heshiisyadii kasoo baxay golaha wadatashiga qaran, gaar ahaan heshiiska habraaca xulista ergooyinka doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafaddeedka:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online