4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa xalay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsada dalkaasi.

Dableyda hubeysan ee Koofur Afrikaanka ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed waxay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi oo ku tiilay magaalada Mitchells Plain oo ka mid ah magaalooyinka hoos yimaada magaalada Cape Town.

Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana goobta lagu dilay si deg deg ah uga baxsatay burcadii dilka u geystay.

Dilka ganacsadaha kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Koofur Afrika sida caadada u ah, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa ganacsiyo waa weyn ku leh Soomaali badan, kuwaasi oo dilal iyo dhac joogta ah kala kulma burcada hubeysan ee u dhalatay wadankaasi Koofur Afrika.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]