4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo soo saaray habraaca lagu mamaulayo doorashada xildhibaannada Somaliland
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdulalahi iyo raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, ayaa si wadajir ah maanta u soo saaray habraaca doorashada aqalka hoose ee Somaliland.

Labadan masuul ayaa sheegay habraacaan inuu tilmaamayo hannaanka loo marayo doorashada golaha shacabka ee xildhibaannada gobolada waqooyi ku matalaya barlamaanka Soomaaliya.

Qodobada ay soo saareen waxaa kamid ah in kuraasta doorashada xildhibaannada Somaliland ay yeelan karaan ergo-wadaag, iyadoo la eegayo daruufaha gaarka ee ku geedaaman doorashada Somaliland.

Si kasta ha ahaatee, Cabdi Xaashi ayaa hadda kamid ah senotarada cusub ee aqalka sare, halka Mahdi Guuleed uu u tartamidoono kursi lagu eedeeyay inuu boobayo oo ay beel kale leedahay.

Dad badan oo kasoo jeeda Somaliland ayaa ku eedeeyay labadan masuul in ay rabitaankooda ku maamulayaan doorashada.

Halkaan ka akhriso qoraalka habraaca doorashada aqalka hoose:-




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online