4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Alshabaab oo sheegtay in ay 8 askari ku dileen weerar ka dhacay tuulada Af-urur ee gobolka Bari
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Alshabaab ayaa sheegtay inay saakay weerar khasaare geystay ku qaadeen ciiddamada Puntland ee ku sugan tuulada Af-urur oo qiyaastii 70 km u jirta magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Alshabaab waxay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 8 askari oo katirsan ciiddanka Puntland isla markaana ay ku gubeen gaari oo tikniko ah, laakiin ma jirto ilo rasmi ah oo xaqiijin karaya sheegada kooxda Alshabaab.

Weerarka Alshabab ayaa ku bilowday hoobiyayaal ay kusoo qaadeen saldhigga ciiddanka Puntland ku leeyihiin tuulada Af-urur, waxaana kadib ciiddanku sameeyeen iska caabin xooggan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid katirsan Puntland oo ka hadashay weerarka Alshabaab kusoo qaaday Af-urur,  masuuliyiin aan la xiriirnay waxay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrintaan.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in ciiddanka Puntland ay howlgal ka sameeyeen goobtii weerarka lagasoo abaabulay, halkaas oo markii dambe uu iska hor imaad toos ah ku dhexmaray labada dhinac.

Af-urur, sannadkii 2017, ayuu ka dhacay weerarkii khasaaraha ugu xooggan uu kasoo gaaray ciidanka Puntland, kadib markii Alshabaab kusoo qaadeen weerar safmar ah, iyagoo halkaas ku dilay ku dhawaad 60 askari.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online