4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Ciidamadii dowlad degaanka ee hawgalka loogu diray waqooyiga Itoobiya oo dib ugu soo laabtay deeganka
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta degaanka dib ugu soo laabtay ciidankii gaarka ahaa ee dowlad  degaanka Soomaalida, kuwaas oo horey degaanku ugu diray waqooyiga Itoobiya, si ay uga qayb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Haddaba maamulka degaanka iyo masuuliyiinta ciidanka gaarka ah ayaa soo dhawayn u sameeyay ciidamada dib ugu soo laabtay degaankoodii, iyagoo muddo ku maqnaa hawlgalladii degaanada dalku u dhanaayeen ee lagula jiray kooxda TPLF.

Goobihii ay kasoo baxeen ciidamadani ayaa la sheegay in lageeyay ciidamada Itoobiya, oo muddooyinkii u dambeeyay si xawli ah loo tababaray, si ay u xoojiyaan dagaalka TPLF lagula jiro.

Soo laabashada ciidankan ayaa kusoo hagaagaysa xilli wali ay jirto colaaddii waqooyigu, islamarkaana dagaalkii uu wali halkiisii kasii socdo.

Dadka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay soo laabashada ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka, kuwaas oo muddo ka maqnaa degaankooda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]