4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2021
Rasyal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay dad shacab ah oo Soomaaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay talaabadii Soomaaliland ay uga soo masaafuriyeen degmada Laascaanood boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo ku noola magaaladaasi, kuwaas oo kasoo jeeday koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.

Raysal wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in shacab Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyo degmo Laascaanood, isagoona sheegay in arintaasi ay tahay mid aad looga xumaado oo ceeb ah, waxuuna Raysal wasaaraha ugu baaqay in bulshada reer Laascaanood ay ka dhiidhiyaan falka muwaadiniin Soomaaliyeed looga soo masaafuriyay dhulka Soomaaliyeed.

"Waxan rabaa in aan ka faa'iidaysto fursadan maanta, in dad Soomaaliyeed laga soo celiyo Laascaanood, dad Soomaaliyeed oo joogay dhul Soomaaliyeed ma dhihi kartid waan tarxiilayaa, waa mustaqbal xumo, waa sharaf xumo in dad shacab ah oo Laascaanood ganacsi ku haystay la yidhaahdo ka guura koonfur ayaad ka timaadeene, waa ayaan daro, laakiin, taariikh ayaa qormaysa, waxan rajaynayaa shacabka ku nool magaalada Laascaanood arrinta in ay ka dhiidhiyaan, tusaan ehelnimada Soomaalinimada iyo in dalkan la wada leeyahay, dalkan wuu inaga badanyahay, dalkan magaca Soomaali ayaa lagu leeyahay, cid Soomaali, Soomaali kale ka xigta ma jirto, insha allah ceebtaas in aad iska dhaqdiin ayaan rajaynayaa reer Laascaanoodow" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Shacabka ay soo masaafurisay Soomaaliland oo la sheegay tiro ahaan iney gaarayaan ilaa 700 oo ruux ayaa maanta soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay soo dhaweyn ugu sameeyeen shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah u hadal haaya falka Soomaaliland ay dadkan Soomaaliyeed uga soo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ah magaalo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]