4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay oo safar ku aaday magaalada Baraawe
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu Ambabaxay Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisu la xiriiraa kormeerka goobaha ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka, iyadoo magaalada Baraawe ay kamid tahay magaalooyinka lagu dooran doono qaar kamid ah xildhibaannada aqalka hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa raysal wasaaraha kagasii hormaray Baraawe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay u sheegay inuu booqasho ku tagi doono goobaha loo asteeyay doorashada, isagoo  horay u booqday  Kismaayo iyo Garbahaarey.

Ka hor inta uusan raysal wasaaruhu ka duulin Muqdisho wuxuu kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aden Cadde isaga u kuur galay sida ay u socdaan howlaha garoonka iyo laanta Socdaalka.

Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed, waxay markii ugu horraysay nasiib u yeelan doontaa in lagu qabto doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee Koonfurta Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online