4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamay tarxiilka Somaliland kula kacday dadka kasoo jeeda koonfur galbeed
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa wax laga xumaado ku tilmamay tarxiil Soomaliland  kula kacday boqolaal katirsan shacabka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ee ku noolaa magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay qaaday tallaabo aad u fool xun oo ceeb ku ah Soomaalinimada iyo ixtiraamka karaamada bini’aadamka, wuxuuna sheegay ka Puntland ahaan in ay ka xun yihiin.

Sanyare wuxuu sheegay in haddiiba Somaliland ay deegaannadeeda ka saarayso bulshadaas, looga baahnaa in ay siiso waqti ku filan oo ay ugu diyaar garoobaan sidii ay hantidooda u raran lahaayeen.

“In dad Soomaaliyeed laga tarxiilo dhul Soomaaliyeed, weliba iyagoo aan diyaar garoobin la daabulo, waa arrin aad u fool xun,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

“Qofka ka yimid Shabeellada hoose oo beeruhu isa-saaran yihiin, waxa Laascaanood geeyay waad garantaa. Baahi iyo daruuf ayaa geysay. Daruufta qof islaam ah oo marti kuu ah kuu keentay, in aad ku tacadid, wax ilaaheey agtiisa ku fiican ma ahan,” ayuu sii raaciyay sanyare.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, ayaa sheegay dadka kasoo jeeda gobolada Baay iyo Bakool in ay yiiin dad aan dhibaato ku ahayn amniga, loon nisbayn karin in ay qeyb ka yihiin amni darrada Laascaanood ka jirta iyo dadka lagu laynayo.

“Haddii la leeyahay waa arrin amni, oo laleeyahay dadkaan waa Shabaab oo dadkeenna ayay layn jireen, taas annagaaa soo xaqiijinay. Gobolka Mudug ayaan kusoo xaqiijinay. Dadkii wax layn jiray, reer Puntland ayay ahaayeen. Hal qof oo dadkaan kasoo jeeda Koonfur galbeed oo Shabaab ah nooma xirna,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayso boqolaalka qof ee lagasoo tarxiilay Laascaanood, waxaana qeyb kamid ah dadkaasi xalay lagusoo dhoweeyay degmooyinka Burtine iyo Buuhoodle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online