4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Mahdi Guuleed "Joogitaan keena Xamar hadii aanu miro-dhal ahayn waxa uu hagar-daamo ku yahay Somaliland"
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Sanataradii dhawaan Xamar lagu doortay ee kasoo jeeday Somaliland, iyo xubnaha kale ee dowlada Soomaaliya xilalka ka haya ee Somaliland kasoo jeeda, ayaa xaflad soo dhawayn ah oo sanatarada cusub loo sameeyay ka sheegay in ay ka shaqayn doonaan danta Somaliland.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxammed Guuleed, ayaa sheegay in hadii ay ka miro-dhalin kariwaayaan ujeedada ay Xamar u joogaan, ay Somaliland ku laaban doonaan.

"Joogitaan keena Xamar hadaanu miro-dhal ahayn waxa uu hagar daamo ku yahay Somaliland, hadii joogitaankeenu aanu qeexayn nooca dowlad nimada loo bahanyahay wax micno ah maleh, marka waa in aynu dib u qeexna joogitaan keena maxa inaga maqan?, walalkay Cabdi Ismaaciil Samatar waxan leeyahay doorkan Walawaynta u kala dusi mayno ee shuruudo ayaynu hor dhigaynaa" ayuu yidhi Mahdi Guuleed.

"Hadii aynu taa xaqiijin kari wayno waxa inoo furan wadadii Ismaacii Buubaa, Axmed Ismaaciil Samatar, Cali Khaliif Galaydh iyo Sifir, in aynu macno keeno iyo in wadadii ragaa hore iyo gabdhaha hore mareen marno" ayuu hadalkiisa ku daray Mahdi Guuleed.

Saalax Axmed Jaamac, oo kamid ah sanatarada la doortay ayaa sheegay in ay ka shaqayn doonaan soocelinta xaq ay Somaliland lahayd oo uu sheegay in la duudsiyay xiligii ay lamidowday Soomaaliya 61 sano kahor.

"Hadaanu nahay sanatarada soo baxay waxaanu balan qaadaynaa in aanu Soomaalinimadana u hiilino xisaabtana aan nalaga qaldin, 60 kii ayaa la yidhi ragu intay soo socdeen ayaa golihii wakiiladana la ansixiyay iyagoon meeshiiba fadhiisan, dee soojeed ayay inooga baahantahay" ayuu yidhi Saalax.

Pro: Cabdi Ismaaciil Samatar oo isna ka tirsan sanatarada cusub ee dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho, ayaa dadka kasoo jeeda Somaliland, ee Soomaaliya xilalka ka haya kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan danta Somaliland.

"Waan idinku dhaarinayaa maanta dan reer waqooyi oo midaysan hadad ka shaqayn waydaan Alle calaf idinma siiyo, dan Soomaaliyeed oo xalaal ah hadad ka shaqayn waydaana Alle calaf idinma siiyo" ayuu yidhi Samatar.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa ku andacooday,  in ay haystaan fursad anay awal haysan dadka reer Somaliland ee Xamar jooga, oo uu ku sheegay in loo ogolaaday in ay iyagu isdoortaan.

"Inaga oo ah dadkii laha Somaliland baanu matalayna waxaynu helnay fursad aynaan awal haysan, oo ahayd dee cid uuni in ay wax inoo maamusho, in aynu wexeena maamulano" ayuu yidhi Cabdi Xaashi.

Xukuumada Somaliland ayaa marar kala duwan sheegtay in sanatarada Xamar lagu doortay ee dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay Somaliland matalayaan, anay matalin shacabka Somaliland, isla markaana, ay yihiin calooshooda u shaqaystayaal.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]