4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya : Dad ku sumoobay neef geel ah oo ay hilibkiisa cuneen

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Awaare ee gobolka Jarar oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in goob lagu magacaabo Kabog oo hoos timaadda qabalaha Bukudhabo ay dad gaaraya 30 qof ku sumoobeen neef geel ah oo ay hilibkiisa cuneen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in neefka geela ah ee dadkani hilibkiisa cuneen uu ahaa mid xanuusanaya, dad ka ag dhawaa dadka hilibkan cunay ayaa Hiiraan Online u sheegay in neefka geelu uu aad u xanuusanaa, isla markaana uu ahaa neef shubmaya.

Haddaba dadkii ku sumoobay hilibkan ayaa waxaa wakhti xaadirkan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee ka agdhaw goobta ay dadku degganaayeen, ee dhibku ka dhacay.

Inta badan dadka deggan baadiyaha iyo meelaha magaalada ka fog, ayaa waxaa dhacda in dadku iska qashaan neefkii oo sii dhimanaya, isla markaana uu xanuun ka muuqdo neefku, waxaana dhacda in dhibaato kasoo gaarto dadkaas, sida tan maanta dhacday oo kale.

24 qof oo dadkan kamid ah oo usii darnaa ayaa saacaddan loo soo qaaday magaalada Dhagaxbuur.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]