4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Beesha Caalamka oo ka hadashay doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee ka dhacay degmooyin ka tirsan Puntland
 

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa warsafaxadeed kasoo saartay doorashadii qof iyo codka aheyd ee golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo ka tirsan maamulka Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka waxay si weyn ugu bogaadiyeen Shacabka iyo maamulka Puntland habkii wanaagsanaa ee ugu qabsoontay doorashadii golayaasha deegaanka degmooyinka ka tirsan Puntland.

"La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Waxaa sidoo kale qoraalka Beesha Caalamka lagu sheegay in Puntland ay ka rajeynayaan dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan maamulka Puntland sanada soo socda ee 2022.

Warsaxafadeed ayaa sidoo kale Beesha Caalamka waxay hoosta kaga xariiqeen iney ka go'an tahay taageerada arrimaha doorashooyinka heer qaran iyo dowlad goboleed intaba.

Qabsoomida doorashooyinkii golaha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa waxaa sidoo kale si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online