4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Al-shabaab oo xukuno kala duwan ku fulisay sadax rag ah
 

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taala degmada Kuntawareey ee gobolka Sh/hoose, waxay ka fuliyeen sadax xukun oo kala duwan.

Xukunka koowaad ayaa waxaa lagu fuliyay nin lagu magacaabi jiray Xasan cabdi Aamey oo la sheegay inuu kufsi u geystay haweeney, isagoo horay usoo maray guur waxaana lagu dilay dhagax.

Xukunka labaad ayaa waxaa lagu fuliyay eedeysane kale oo aanan la shaacin magaciisa, kaasoo ay Shabaab ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay kusoo qabteen dagaal ka dhacay Sh/hoose.

Waxaa sidoo kale Al-shabaab ay shalay xukun gacan goysmo ah ku fuliyeen nin dhalinyaro ahaa oo ay sheegeen inuu ku kacay ama lagu soo qabtay fal tuuganimo ah, waxaana laga gooyay mid ka mid ah gacmahiisa.

Goobta Al-shabaab ay ku fuliyeen xukunadan kala duwan waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha degmada Kuntawareey ee gobolka Sh/hoose, kuwaas oo usoo daawasho tagay xukunada ay fulinayeen Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab xukuno noocaan oo kale ah ay ka fuliyaan deegaanada ay ku sugan yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online