1/20/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
AMISOM oo ka Jawaabtay eedeyntii Ahlu Sunna Waljameeca ee dagaaladii ka dhacay Guriceel
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay eedeyn dhawaan kaga timid hogaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca, taasoo aheyd in ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

AMISOM ayaa warsaxafadeedka ay soo saartay waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin eedeynta kaga timid Ahlu Sunna ee aheyd iney ka qeyb galeen dagaaladii Guriceel oo ay ka barbar dagalaamayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, iyagoona ku tilmaamay eedeymahaasi kuwa been abuur ah oo lagu doonayo in la isaga horkeeno AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed.

" Hawlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay AMISOM.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warsaxafadeedka AMISOM  in Ujeedka howlgaladooda uu yahay inay hoos u dhigaan awooda AI-Shabaab,islamarkaana ay ka caawiyaan ciidanka dowladda dadaalada ay ugu jiraan soo afjarida argagixisada iyo nabad kusoo dabaalida dalka.

Qoraalka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheeraa ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in  AMISOM oo fulinaysa waajibaadkii loo igmaday, ay xoojisay ciidamadeeda ku sugan Dhuusamareeb, si ay u xaqiijiyaan amaanka doorashada, islamar ahaantaana aysan jirin wax taageero ah oo ay siiyeen ciidamada Soomaaliyeed, heer qaran iyo mid gobol si ay ula dagaalamaan Ahlusunna Waljamaaca.

 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/28/2021 1:13 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Faqi, ayaa been abuur ku tilmaamay warar laga faafiyay oo uu sheegay in muslinimadiisa shaki lagu galiyay.

10/28/2021 12:55 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maanta laga saaray xisbiga Kulmiye oo uu hore uga tirsana, ayaa talaabada xisbiga lagaga saaray ku macneeyay talo xumo, waraysi uu BBC Somali siiyay.

10/28/2021 12:32 PM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu dagaallo culus ku dhexmarayay ciiddamada maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

10/28/2021 9:42 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Wareegto uusoo saaray xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa xisbiga lagaga caydhiyay siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isaga oo ka tirsan xisbiga hadana xil guddoomiyenimo u doontay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

10/28/2021 9:12 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland qaybta saldhiga xaafada New Hargaysa ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo hab casri ah dadka ugala baxa lacagta ugu jirta telefoonada gacanta, kuwaasi oo lacag dhan $7000 ka dhacay dirawal tagsiile ah oo ka shaqeeya Hargaysa.

10/28/2021 7:59 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ururada mucaaradka Puntland ayaa sameystay is-bahaysi ay ku doonayaan in ay kula wareegaan talada saddexda degmo ee dhawaan ay ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lasoo horumariyay.

10/28/2021 7:49 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tan iyo markii ay isaga baxeen degmada Guriceel sababahii ay uga baxeen, kadib afar maalmood oo xariir ah ay ka dhex dagaalamayeen ciidankiisa gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

10/28/2021 1:47 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay colaadda ka jirta magaalada Guriceel ee u dhaxaysa mamulka Galmudug iyo urur diimeedka Ahlusunna Waljamaaca.

10/28/2021 1:31 AM EST
Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.