4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Axmed Hussen oo loo magacaabay wasiirka guryeynta Canada
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala bar ay dumar yihiin.

Golaha wasiirada ee uu magacaabay raysal wasaaraha dalka Canada waxaa markii sadaxaad kasoo dhex muuqday Axmed Xuseen Axmed oo Soomaali Canadain ah, kaasoo loo magacaabay wasiirka Guryenta kala duwanaanshaha iyo kawada qeyb galinta Canada.

Axmed Xuseen ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Canada, waxa uuna dalka Canada ku yimid qaxooti ahaan isaga oo 16 jir ah ka hor inta aanu qareen iyo lataliye u noqon Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Canada Ontario Dalton McGuinty.

Dad badan ayaa rumeysan in wasiiradaan cusub ay horyaalaan waxyaabo badan oo uu ugu horreeyo la tacaalidda xanuunka saameyay dalka Canada iyo guud ahaan Caalamka oo dhan ee COVID-19.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]