4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayn uu madaxweynaha Puntland u jeediyay madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uu madaxweynaha Puntland u jeediyay madaxweyne Farmaajo, taasoo ku saabsanayd, in madaxweynaha Soomaaliya uusan ka hambalyayn doorashadii “qof iyo cod” ee ka dhacday Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu qadka taleefoonka kula xiriiray guddoomiyayaasha ururada siyaasada Puntland, isagoo ugu hambalyeeyay natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo ah tallaabadii ugu horreysay oo la qaaday.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayay arrimaha doorashada, ayaa sheegay in hambalyayn la’aanta madaxweyne Farmaajo ay muujinayso in aanu Soomaaliya la rabin doorasho toos ah, isla markaana uu bogaadiyo waxyaabo yaryar.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online