4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Galmudug iyo Ahlsunna Waljamaaca oo ka hadlay dagaalka Guriceel ka socda
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor, ayaa sheegay in dagaalka Guriceel ka socda uu yahay mid Galmudug ku difaacayso jiritaankeeda isla markaana wuxuu ku eedeeyay garabka Ahlusunna Waljamaaca in ay diideen in ay tabashadooda si nabad ah u sheegtaan.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay in ay jiraan dhinacyo Soomaali iyo Ajaanib ah oo Ahlusunna ku taageeraya dagaalka ay kula jirto ciiddamada Galmudug iyo kuwa dowladda federalka.

Wuxuu sheegay madaxweyne Qoor qoor inay hayaan caddeymo rasmi ah oo arrintaas ku saabsan isla markaana ay soo bandhigi doonaan, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in lasii huriyo colaadda Galmudug ka taagan.



Dhinaca kale, Ahlusunna Waljamaaca oo ka hadashay colaadda Guriceel ayaa shaacisay in ay soo dhoweynayaan baaqyada nabadeed ee lagu dalbanayo joojinta colaadda Guriceel.

Ahlusunna waxay ku eedeysay ciiddanka AMISOM in ay ka qeyb qaateen burburinta magaalada Guriceel, waxayna sheegeen in ay hub sharci darro ah u gudbiyeen ciiddamada dowladda federalka Soomaaliya.

Hadalada kasoo kala yeeray Galmudug iyo Ahlsunna, ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii 4-aad ay dagaallo ka socdaan Guriceel.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online