4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Faysal Cali Waraabe "Adduunka saxiibo kama samaysan karno kii inoo yimaadana ma xajisan karno"
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay, talaabada ay xukuumada Somaliland ku dhintay safarada shirkadaha diyaarada ka howlgala madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Faysal ayaa sheegay in waddanka Imaraatka Carabtu yahay, waddan xidhiidhka iyo maalgashiga Somaliland u badheedhay isla markaana ay mudnayd in lasoo dhaweeyo shirkada Flydubai, isagoo xukuumada ku eedeeyay in anay saxibo samaysan karin kuwa uyimadana anay xajisan karin.

"Inagu adduunkiina saxib kama samaysan karno, kii inoo yimaadana ma xajisan karno, Flydubai waxay kasoo jeeda waddanka inoo badheedhay ee nus bilyanka ina galiyay, marka laga yimaado Itoobiya waa tii ugu horaysay ee khadka inoo furtay, waala joojiyay 2 sanno ayay inaga maqnayd hada la fasaxay, 3 duulimaad baa la siiyay, waxa la yidhi 2 ayaanu kaaga dhignay" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in xukuumada Somaliland anay waxba ka galin hadii diyaaraduhu ku khasaarayaan safaradooda iyo hadii ay ku faa'iidayaan, isla markaana hadii safaradu yaraadan uu tigidhka diyaaraduhu qaaliyoobi doono taasi oo umada Somaliland anay xamili karin.

"Diyaaraduhu haday khasaarayaan iyo hadii kale adiga waxba kaama galin, haday 2 qof sido oo ay timaado cashuur baad ka qaadaysa, yaa ku yidhi adiga waa jilaale ka yaree, iyaguna way ka sareen sistem kiiba, markii iyada iyo Airabia inaga tageen tigidhku $1000 kabadan ayuu inagu tagay' lakin, marka tartan jiro wuu inoo jabayaa" ayuu yidhi Faysal.

Xukuumada Somaliland ayaa dhintay safarada ay madaarka Cigaal ku yimaadaan diyaaradaha Flydubai, Airabia iyo Daallo, halka diyaarada Ethiopian Airline oo maalintii 2 jeer timaada Hargaysa aan iyada jadwalkeeda waxba laga badalin.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]