4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Xaalada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo Saaka degan
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay xaalada magaalada ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo sadax maalin ee lasoo dhaafay ku dhexmaraayay gudaha degmadaasi ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Dadka deeegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saakay xaaladu tahay mid degan oo aanan magaaladu aysan ka jirin wax dagaal ah, inkastoo ay sheegayaan in xili walbo la filan karo in markale uu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada maalmahii lasoo dhaafay ka socday degmada Guriceel.

Dhinacyada ku dagaalamaya gacan ku heynta degmada Guriceel ayaa wali ku kala sugan goobahii shalay ay dirirtu ku dhexmartay, waxaana intaa sii dheer gurmadyo ciidan oo labada dhinac kala gaaray saacadahii ugu dambeeyay, kuwaas oo doonaya iney xoojiyaan dagaalka ka socda Guriceel.

Khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay dagaalada Guriceel ka socday mudada sadaxda maalmood ah, walina majirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dagaalamaya oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]