4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 25, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo bogaadiyay doorashooyinka ka socda Puntland
 

Isniin, October, 25, 2021 (HOL) - Raysal wasaraha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Puntland iyo shacabkeeda ugu hambalyeeyay doorashada golayaasha deegaanka ee ka bilaabatay magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Raysal wasaaraha ayaa tallaabo taariikhi ah oo ku dayasho mudan ku tilmaamay doorashadan oo ay shacabku saaka u dareereen, si ay u soo doortaan wakiilladooda.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Raysal wasaare Rooble ayaa noqonaya masuulkii ugu sarreeyay dowladda federalka ee ka hadla doorashooyinka Puntland ka socda, iyadoo ay xusid mudan tahay in xubno katirsan golihiisa wasiiradda ay ku sugan yihiin magaalooyinka Qardho iyo Eyl.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka Puntland ayaa la filayaa in natiijadooda horudhaca ah lasoo gudbiyo caawa fiidkii sida uu sheegay xubin katirsan guddiga doorashada Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online