4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 24, 2021
Maxkamada Gobolka Saaxil oo xukun ku riday laba markab oo ajinabi ah
 

Axad, October, 24, 2021 (HOL) - Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Togo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen.

"Markii maxkamada danbigaasi ka hor caddaaday, maxkamadu waxay ku xukuntay $20,000 oo ganaax ah, sida uu dhigayo xeerka badaha Somaliland ee sharci number 1989" waxa sidaa warbaahinta u sheegay Cabdisalaan Xaashi Cabdi oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamada Gobolka Saaxil.

Garsoore Xaashi ayaa sheegay in labada taag ay biyaha Somaliland kusoo galeen si sharci daro ah, isla markaana ay qirteen in ay kusoo xad gudbeen biyaha Somaliland.

"Labada markab biyaha Somaliland waxay kusoo galeen ogolaansho la'aan, sidookale waxay dhigteen baroosinka, wax wakiil ah oo Somaliland ay ku lahaayeena xiligaa may jirin, waxay qiraal ku yihiin labada eedaysaneba in ay biyaha Somaliland kusoo galeen ogolaansho la aan, balse ay doonayeen in ay wakiil samaystaan" ayuu yidhi Xaashi.

Xaashi ayaa sheegay in qolada taagaga iska lihii ay maxkamada u sheegen in ay doonayen in ay saldhig ka dhigtaan Berbera, in ay sahay kasoo qaataan iyo in ay shaqaalahooda badalaan.

"Sababta ay biyaha Somaliland ugu soo xadgudbeen waxay ku sheegeen 3 sababood oo kala ah, 1: waxaanu doonaynay in aanu biyaha Berbera saldhig ka samaysano, 2: in aanu sahay kasoo qaadano, 3: sidookale, aanu samayno shaqaale badalis" ayuu yidhi Xaashi.

Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa 9,October, 2021 labadan taag kasoo qabtay iyaga oo gudaha ugu jira biyaha Somaliland waxaana lagu xidhay saldhiga ciidanka badda ee magaalada Berbera.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]